Madax ka tirsan dwladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo shir gaar ah uga socdo magaalada Stanbul

Waxaa maalintii saddexaad ka soconaya magaalada Stanbul ee dalka Turkiga shir lagu xoojinayo xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkig kaas oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Bariga Afrika u qaabilsan horumarinta iyo baarista Cilimiga.

Shirka waxaa ka qeybgalay ku xigeenka madaxweynaha Turkiga Fouad Aktay, waxaana Soomaaliya ku matalaya masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo khubaro kala duwan.

Shirkan oo socda maalintii saddexaad ayaa waxaa kaloo khubarada ka qeyb galaysa kaga hadli doonaan dhowr qodob oo ay ka mid tahay xiriirka Turkiga iyo Afrika, dhinacayada iskaashiga Tacliinta, in la abuuro jawi saaxibtinimo ee mustaqbalka u horseedaya danaha shucuubta Afrika iyo kan dalka Turkiga guud ahaan gaar ahaan waxaa shirkaasi diirada lagu saarayaa danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in shirka madaxda labada dowladood ka soo saaraan warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ka wadahadleen, iyadoo ilo wareedyo ku dhow dhow halka uu shirka ka dhacayo ay sheegayaan in dowladda Turkiga ay fulineyso ballanqaadyo ay horay ugu sameysay dowladda Soomaaliya.

Kulankaan gaarka ah ee madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ku dhex maraya magaalada Stanbul ayaa daba socda booqasho Madaxweyne Farmaajo uu ku tegay dalka Turkiga, isla markaana kulan uu la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan lagu shaaciyay in Turkiga uu Soomaalya u dhisayo Toban Kun Guri oo uu horay u ballanqaaday.