Dagaal ka dhacay duleedka Jowhar Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Waxaa saaka degan xaaladda goobihii ay shalay ka dhaceen dagaalada degaano ka tirsan degmada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabelle, waxaana bilowday dadaallo ay wadaan maamulka magaaladaasi iyo waxgaradka beelihii dagaalamy.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu u dhaxeeyay dad beeraley ah oo kasoo kala jeeda tuulooyinka Maandheere iyo koongo ee degmada Jowhar, isla markaana beeraleyda ay isku qabsadeen dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla.

Dad ku sugan Magalada Jowar ayaa warbaahinta u sheegay in xiisadii ka dhalatay dagaalkaas ay weli halkaasi ka taagan tahay, iyadoo dadkii degenaa halka uu dagaalka ka dhacay uu soo food saaray welwel ay ka qabaan in mar kale korkooda lagu dul dagaalamo.

Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, hayeeshee dad ku sugan deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxa ay sheegayaan inay jiraan qasaarooyin soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Ilaa iyo iminka mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka degmada Jowhar wax hadal ah kama soo saarin dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday tuulooyin ka tirsan magaalada Jowhar, hase yeeshee ma aha markii ugu horeysay oo beelo wada degan dagaal ku dhex maro degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe.