Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo howlgal ka fulinaya Galmudug

Cutubyo ka tirsan Ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, waxaana ciidankaan ay kasoo kiciteen Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka ayaa Saldhig lagu waddaa in ay ka sameystaan magaalada Dhuusamareeb,halkaasi oo ay ka qaadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaabka ku sugan degaanada maamulka Galmudug.

Ciidankaan oo hoggaaminaayay taliyaha Ciidanka Danab ee degaanada maamulka Galmudug ayaa kulan la yeeshay Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday degaano ku yaalla gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan Shabaab.

Facebook Comments