Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo dhiiragalin u sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Howlgalada ka socda G/Sh/Hoose.

Muqdisho:- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiiragelin ah la qaatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah ugu biiray Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan 14-ka October.

Ciidanka uu dhiiragalinta la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ahaa kuwo la baray Difaaca Dalka, iyagoo muddo tababar Milatari ku qaatay xerada Tababarka General Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa dhalinyarada ka mid noqotay Ciidanka Xoogga Dalka ee u dhammaaday tababarka ugu mahadceliyay sida geesinimada leh ee ugu mid noqdeen Ciidamada Xoogga Dalka

General Daahir Aadan Cilmi wuxuu faray Ciidamada inay si wadajir ah ugu qeyb qaataan Howlgalada ka socda gobolka Shabellada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa ammaanay sida geesinimada ah ay Ciidamada guutada 14-ka October ay nabad diidka Al-shabaab ugu sifeeyeen deegaanada Xeebta ah Sida Jilib-marko Gendarshe iyo Dhannaane

Dhanka kale kulanka dhiira galinta ah Ciidamada ee uu la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ah Ciidamo dhammeystay Tababar, iyagoo maanta loo qeybiyay agabkii ay ku howlgalin lahaayeen ciidankan.

Facebook Comments