Qoladii gaaleysiiyay ayaa gumaaday!

Waxa aan dhegeystay rag culuma ah oo meel ku shiray oo leh: [ka dib markii aan dhegaysanay wararka laga soo sheegayo ninkaas, waxa aan ku xukunay in uu ninkaasi gaaloobay oo uu diinta ka baxay]!

Waa yaabe, goormaa maq-maqal, dhega-dhegeyn iyo kutiri-kuteen wax lagu xukumay oo lagu gaaleysiiyay?
Saw in wax la hubsado ma aha? Maxay culumadaasi ula kulmi waayeen wadaadka inta aysan gaaleysiin?
Ma waxaysan akhrin qisadii saxaabigii weynaa ee Xaatib ibnu Baltaca iyo qisadii saxaabigii kale ee Usaama ibnu Zayd?
Maxaa keenaya fudaydka intaas la eg? Yaasa ayaga u wakiishay gaalanimada iyo muslimnimada?
Maxkamad miyay fadhiyaan?
Haddasa aaween culumadii gaaleysiisay? Ma ka hadleen? Ma ku faraxsanyihiin sida wax u dhaceen mase waa ka xunyihiin?

Taasi waa la yaab!
Waxaa kale oo la yaab ah, kuwa go’aan kaligood iska qaatay ee dil, qarax iyo gumaad la beegsaday bulsha dhan oo meel degan!

Waxaasa ka sii yaab badan kuwa u riyaaqsan ee ku faraxsan ee haddana shaah kula cabaya oo ku hor fadhiya!
Haddii cid waliba cida ay doonto dil ku xukunto ee ku fuliso, sidee bulshadu u wada noolaanee? Saw ha yaacdo iyo fawdo ma aha?

Qof aan la soo eedeyn, oo aan garsoor la soo marin, oo aan la dhegeysan, oo aan is difaacin, oo aan qareen qabsan, oo aan waqti ku filan helin, oo aan caafimaadkiisa la hubin, oo aan go’aan maxkamadeed oo caddaalad ah ku dhicin, oo aan la hubin in uu racfaan ka qaatay iyo inkale, sidee gumaadkiisa loo dhiiri geliyay? Sideesa loogu dabbaal degayaa gumaad-wadareed iyo burburin hanti dad-weyne?

Waxaa caddaatay in bulshada wax badan oo ka mid ahi ay gudaha ka taageersanyihiin argagixisada iyo falalkooda gurucan!
Runtii bulshadu waxa ay u baahantahay in dib looga soo hanuuniyo dhaqanka ku saleysan colaadaha sokeeye!
Waxaa muuqata in ay dad badan dhiigga iyo dhuuxa ka gashay colaadda sokeeye iyo diinta la qaloociyay ee laga dhigay uun agab wax lagu gumaado, waxna lagu burburiyo!

Qalad kasta oo wadaadkaasi lahaa marnaba sax ma ahayn in la weeraro oo la gumaado asaga iyo bulsha-weyntii la nooleed, ee waxa ay ahayd in wada hadal iyo dood lala furo si looga saxo wixii ka qaldan!
Dhammaanteen qaladaad iyo xumaan fara badan ayaan leenahay, sidaas darteed, culumada gaaleysiisay waxaa ku habbooneed in ay wadaadka hor fariistaan oo kala hadlaan wixi ka qaldan ama ka qaloocan! Gaaleysiintiisana ayagu marnaba shaqa kuma laha, ee waa ku fudayd, xad-gudub weyn oo aan laga fiirsan!

Waana in ay ogaadaan kuwa gaaleysiiyay in ay ayagu dileen oo ay gumaadkaas sharciyeeyeen, ayna dhiiri geliyeen!

Qalinkii Xassan Xundubey