Musharaxiin Hub la tagay Baydhabo

Xilli maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo laga dareemay Saxmad ku aadan Ciidan Farabadan oo ay la taageen qaar ka mid ah Mushaxiinta maamulka Koonfur Galbeed,islamarkaana Ciidamada Ammaanka ay walaac ka muujinaayeen ayaa arintaasi waxaa faahfaahin ka bixiyay maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Musharaxiin Ciidamo badan lasoo galay Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu tilmaamay in Musharaxiintaasi ay doonayaan in ay Ciidanka ku suggaan Ammaankooda inta ay ku jiraan Ololaha doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Waxaa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed ay la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada ay wataan Musharaxiinta si aan loogu fulin sababo ka baxsan ilaalinta Musharaxiinta xil doonka ah.