Mas’uul ka tirsan DFS oo Muqdisho ugu geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa

Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax culus oo galabnimaddii maanta oo Axad ah ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee degmada Xamar-wayne ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo magaciisa lagu sheegay Saacid Xuuke Jaamac, oo ahaa Agaasime waaxeed ka tirsan Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta, islamarkaana gaariga waday, ayaa ku geeryooday.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dhabarka saaratay masuuliyadda qaraxaan, oo meesha uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo isku socodka saacado hakad geliyay.

Xukuumada Soomaaliya kama aysan hadlin sidoo kale qaraxaan iyo masuulka la tilmaamay in lagu dilay.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee bishaan December ka dhaca magaalo madaxda dalka, oo amnigeeda uu ahaa maalmihii aynu kasoo gudubnay mid ay si wayn usugayeen ciidaamda dowladda.