Madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee M/Muqdisho.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu u dhexeeyay Madaxweynaha, R/wasaaraha, guddoomniyaha Aqalka Sare, guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankan uu isugu xubnahani Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sheegay in diirada lagu saaray khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo arrimaha doorashada K/ Galbeed.
Tan iyo markii la kala diray guddigii Maaliyadda ee Golaha Shacabka waxaa jiray khilaaf iyo dood adag oo u dhexeysa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee M/Muqdisho.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu u dhexeeyay Madaxweynaha, R/wasaaraha, guddoomniyaha Aqalka Sare , guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen.