Kooxda Arsenal oo dhulka ku jiiday Tottenham, kadib markii 4-2 uga awood sheegatay.

Ciyaar aad u kululeed ayay kooxaha Arsenal iyo Tottenham isku arkeen maanta ciyaartaasi oo ay si aad ah ugacan saraysay Kooxda Arsenal ayay waxay guul ku gaartay 4-2, taasi oo u ahayd guul muhiim u ah.

Kooxda Gunners waxay billawday bandhigga goolasha, iyadoo uu goolka koowaad ee ciyaarta uu u dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang, kaasoo shabaqa dul dhigay rigoore loo dhigay kooxdiisa daqiiqaddii 9-aad ee ciyaarta.

Hase yeeshee Eric Dier oo caawinaad ka helay Christian Eriksen daqiiqaddii 30-aad iyo Harry Kane oo daqiiqaddii 34-aad dhaliyay rigoore ayaa natiijada ciyaarta iyo hooggaanka si deg deg ah ugu dhiibay kooxda Spurs.

Qaybtii dambe ee Ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay, waxaa Arsenal mar kale gool u dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang daqiiqaddii 56-aad,waxaana kullanka uu ka dhigay mid bareejo ah.

Waxaa wax walba dhinac u riday Alexandre Lacazette oo daqiiqaddii 75-aad goolka saddexaad ee Gunners dhaliyay, iyo Lucas Torriera oo daqiiqaddii 77-aad ciyaarta ka dhigay 4-2.

Difaaca Tottenham ee Jan Vertonghen ayaa calaamadda cassaanka ah loo taagay ka dib jaallihiisii labaad daqiiqaddii 85-aad ee ciyaarta, waxaana uu ka dhigay in 10 ciyaaryahan inay ku ciyaarto Spurs.

Arsenal ayaa u soo tallaabtay booska 4-aad ee kala sarraynta Premier League,iyadoo farqiga goolasha ku dhaaftay Tottenham oo hadda booska shanaad u dhacday inkastoo ay min 30 dhibcood wada wadaagaan.

Facebook Comments