Hoggaanka ONLF oo maanta ku wajahan Jigjiga

Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha ururka ONLF ayaa maanta lagu waddaa in ay gaaraan Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Wafdiga ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Waddooyinka magaalada Jigjiga ayaa lagu sharxay calanka ONLF iyo calanka Dowlad degaanka Soomaalida.

Dhawaan ayay aheyd markii boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee jabhadda ONLF ay gaareen magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ururka ONLF ayaa in ka badan 20 sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale.

Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada ka socda dalkaasi.