Ganacsade caan ah oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadii ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho nin Ganacsade ah oo caan ka ahaa deegaanka.

Sida wararka ay sheegayaan labo dhalinyaro ah ayaa toogasho ku dilay Ganacsade lagu magacaabi jiray Cumar Arbacow oo ka mid ahaa ganacsatada deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray halka dilka ka dhacay, inkastoo aanay suura gelin in la qabto raggii dilka geystay oo goobta ka baxsaday ka hor inta aanay ciidamada gaarin.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayay ganacsatada iyo dadka u shaqeeyay shirkadaha gaarka loo leeyahay, waxaana weli dilalkan ka hadlin dowladda Soomaaliya.