DAAWO: Wacdaraha Jigjiga ka dhacay & Soo dhawaynta Madaxda ONLF

Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ruxay kumanaan shacab ah oo dhigay soo dhoweyntii ugu sareysay ee loo sameeyo madaxda jabhadda ONLF, kuwaasi oo wejiyadooda ay ka muuqatay farxad aan la soo koobi karin.

Hogaamiyaha jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cismaan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan jabhadda ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga oo uu markiisii ugu horreysay gaaray, wuxuuna sheegay iney sii wadi doonaan howlohooda ku saabsan xorriyadda, mideynta iyo horumarinta shacabka.

Mas’uuliyiintan ayaa shalay ka degay magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa, halkaasi oo ay kula kulmeen madax ka tirsan dowladda Itoobiya.

Boqollaal ruux oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee magaalada Jigjiga ayaa maanta garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wafdigaas oo uu qaabilsay madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafe Muxumad Cumar.

Qaar ka mid ah shacabka oo ay ku jireen carruur ayaa ku soo labistay dhar uu ku xardhanyahay calamka Jabhadda, oo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya, ka hor inta aysan dhawaan heshiis la saxiixanin.

Warar kale oo ku saabsan jabhadda ONLF

BBC-da ayey u suurta gashay iney wareysi la yeelato Admiraal Cumar Cismaan, hogaamiyaha ONLF, oo uu ka muuqday dareen aad u farxad badan.

Waxyaabihii uu wariyaha BBC-da Cabdinaasir Xikam weydiiyay waxaa ka mid ahaa tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan imaatinkooda ka dib iyo in ay qorshaha ugu jirto awood qeybsi ay la wadaagaan dowladda hadda jirta iyo iney hoggaanka ONLF isu soo sharrixi doonaan doorashada xigta ee maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ugu horreyn Cumar ayaa mahad celin ballaaran u jeediyay dhammaan mas’uuliyiintii iyo shacabkii u sameeyay soo dhaweynta aan loo kala harin isla markaana taageerada u muujiyay.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney la dhacsanyihiin hannaanka dowladda Itoobiya ee ku wajahan jabhadda ONLF.

“Maamulkan hadda cusub ee dalka Itoobiya hoggaaminaya wuxuu runtii muujiyay astaamo fara badan oo wanaagsan oo yididiilo badan muujinaya. Markii ugu horreysay wuxuu sii daayay dhammaan maxaabiistii dalka ku xirneyd, ka dibna wuxuu ku dhawaaqay in ururradii gobanimo doonka ahaa aysan ahayn ururro argagixiso ah balse ay yihiin kuwo gobanimo doon ah oo xaqooda u diriraya, xaqna ay u leeyihiin iney dalkooda soo gaalan, meeshey doonaanna ay si nabad galyo ah uga marayaan”.

Facebook Comments