War Deg Deg ah: Markii Sadaxaad oo ay dib u dhac ku timid Doorashada K/Galbeed.

Baydhabo-Wararka laga helaayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa soo sheegaya in maanta la sheegay inay mar kale dib u dhacday doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya oo la filayey inay qabsoonto 5-ta bishaan afar maalmood kadib sidii ay hore u shaaciyeen Xubnaha Gudiga doorashada.

Wararka laga helaayo xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa soo sheegaya in wariyaasha loo yeeray si loo shaaciyo dib u dhaca doorashada waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in laga dhigay 19-ka bishaan taas oo ka dhigayso in 14 maalmood lagu daray.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada K/Galbeed ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashada ayna ka taagaan buuq arintaan ku saabsan gudaha gudiga iyo guud ahaan magaalada Baydhabo.

Dhanka kale Doorashadaan ayaa laba jeer dib loo soo dhigay waxayna markaan ay noqonaysaa markii 3-aad oo dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ee Soomaaliya.