Shir aan Caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed

Waxaa kulan aan caadi aheyn isugu yimid Golaha Wasiirada ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana shir-guddoominayay sii-hayaha Madaxweynaha ,ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilka KGS Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna.

Waxaa marka hore warbixin dhanka amniga ah loogu dhageystay Wasiirka Amniga ee Dowladda KGS Mudane, Xasan Xuseen.Dood dheer kadib Golaha Wasiirada waxa ay isku raaceen Saddex qodob:-

1) Waxa ay si guud u soo dhoweeyeen dadaalka ay wado Wasaaradda Amniga Dowladda KGS.

2) Waxaa amaan iyo bogaadin ay u jeediyeen Guddiga doorashada Madaxweynaha KGS sida ay Shaqada u wadaan.

3) Shacabka ayay ugu baaqeen in ay muujiyaan degnaansho, kuna kalsoonaadaan madaxdooda, iskana ilaaliyaan wax walba oo dhib ku keen karo xasanoolida Koonfur Galbeed Soomaaliya.