Midowga Yurub iyo UNICEF oo Daah-rogey Mashruuca Biyo-Siinta Magaalooyinka Somaliland.

Tog Wajaale:–Biyonadiif ah, oo qiime-jaban ayaa waqtigan ay helayaan kumanaan qoys oo ku nool degaanno ka tirsan Somaliland taasoo ka dhalatey mashruuc ay maanta daah-rogeen Dowladda Somaliland, MidowgaYurub, UNICEF iyo la-hawlgalayaashooda.

Mashruuca sii Wanaajinta Adeegga Biyo-siinta ee Somaliland ayaa isu keenay dowladda, sharikadaha biyaha iyo bulshooyinka iyadoo loo marayo hab Iskaashiga Maamulka iyo Ganacsiga Gaar Loo Leeyahay ah/ Public-Private Partnership (PPP) si wax looga qabto biyo-yaraanta haysatay jiilal bulshooyin kareer Somaliland ah.


Nidaamyada biyaha ee afar magaalo:Boorama,Burco, Ceeri-gaabo iyo Tog Wajaale ayaa la dayactiray ama dib loo dhisey kadib markii si deeqsinimo leh uu u maalgeliyey MidowgaYurub oo taageero dhinac farsamadaana ay u bixiyeeen UNICEF iyo la-hawlgalayaasha.

Ilaa 800,000 qof ayaa hadda si joogto ah u heli kara biyo nadiif ah taas oo ka dhalatey dadaalka wadajirka ah ee la bixiyey.

”Biyuhu waa xuquuq aasaasi ah. Door muhiim ah ayaa ay ku leeyihiin nolosheenna. Waxaan ku faraxsanahay in dadka reer Somaliland iyo gaar ahaan reer Tog Wajaale ay hadda heli karaan biyo nadiif ah oo qiime-jaban.

Biyahani waa kuwo aad uga wanaagsan biyihii aan nadaafadda lahayn oo qaaligana ahaa ee horey looga keeni jirey balliga ku yaalla xuduudda Itoobiya, ayuu yidhi Mr Fulgencio Garrido Ruize, oo ah U-qaabilsanaha Midowga Yurub ee Arrimaha Soomaaliya.

“Aad baan ugu faraxsannahay joogitaankeenna halkan, annaga oo goob-joog u ah guushan muhiimka ah la gaarey iyo inay u suurowday arrintii ay bulshooyin badan ay ku duceysanayeen oo markii ugu horreysey ay hadda heleen biyo nadiif ah,” ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.

Guud ahaan, Somalialnd,68% dadweynaha ayaa heli kara ilbiyood oo la isku halleyn karo. Hase yeeshee,farqi aad u weyn ayaa u dhexeeya degaannada magaalooyinka ah iyo miyiga.Degaannada miyiga ah, keliya %28 qoysaska ayaa heli kara il biyood oo hagaagsan.

Qaar badan oo ka mid ah bulshooyin kareer Somaliland, halganka ay ugu jiraan in ay helaan biyo nadiif ah waxaa culeys ku ah kaabayaasha dhaqaalaha ee liita waxaana uu halgankoodu sii xoogeystaa waqtiyada ay jiraan dhibaatooyinka sida abaartii dhacdey 2017kii.

“Helidda biyo nadiif ah, oo qiime-jaban oo joogtana ah waxay ahayd riyo ay ku haminayeen dad badan oo ku nool Somaliland,” ayuu yiri Jesper Moller, oo ah Ku-simaha Wakiilka UNICEF. “Ugudambeyntii maanta ayaa ay riyadoodii u rumowdey carruur, haween iyo qoysas badan oo ku nool Somaliland.

Waxaan ka mahad celineynaa hoggaan wanaagga dowladda iyo maalgelintii deeq-sinimada lahayd ee Midowga Yurub oo suurageliyey in mashruucan ballaaran lagu guuleysto.

Guushan waxay si dhab ah uga markhaati kacay saadadaalka iyo hawl karnimada dhammaan wada-hawlgalayaashii qaybta ka ahaa, iyo geesinimada, khibradda iyo adkeysiga dadka reer Somaliland.”

Facebook Comments