Guddoomiye Mursal oo ka hadlay Ciidankii la geeyay Baydhabo

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si weyn uga hadlay Ciidankii shalay la geeyay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha oo ku sugan dalka Turkiga, islamarkaana maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado xilli Ciidam badan ay ku sugan yihiin Baydhabo in ciidan laga daabulo Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka ku sugan Magaalada Baydhabo ay ku filan yihiin suggitaanka Ammaanka doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha oo la hadlay VOA-da Waxaa uu walaac ka muujiyay in Ciidankii ku sugnaa Baydhabo ee dowladda laga dulgeeyo Ciidamo kale oo laga qaaday Muqdisho, xilli kuwaasaasi ay u baahan yihiin in la taageero.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa kusoo beegmaya xilli xildhibaano badan oo kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ay si weyn uga soo horjeesteen Ciidankii shalay la geeyay Baydhabo.