Dowladda Somaliya oo ku dhowaad 100 askari maanta mar kale geysay Baydhabo

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta ay ka dagatay garoonka Shaati Guduud diyaarad siday askar katirsan Ciidanka Booliska Somaliya.

Askartan oo tiradooda lagu qiyaasay iney gaarayaan 100 askari, ayaa ah dhalinyarada Booliska ee ka howlgali jirtay magaalada Muqdisho, waxaana la socota Saraakiishoodii hogaamineysay.

Warar soo baxaya, waxey sheegayaan in askartan loogu talagalay iney door muuqda ka qaataan sugida amniga magaalada Baydhabo, gaar ahaan halka ay ka dhaceyso doorashada iyo wadooyinka laga soo galo magaalada Baydhabo.

Cidamadan, ayaa daba socda askar kaloo boqol gaareysa oo shalay la geeyay Baydhabo, waxaana 200 ee askari la dajiyay Saldhig weyn oo ku yaala nawaaxiga Madaxtooyada Koofur Galbeed.

warar laga helay ilo lagu kalsoonyahay, ayaa sheegaya in Maalmaha soo socda ay baydhabo tagi doonaan 300 oo kamid ah Ciidanka ALPHA GROUP, Waxaana qorshuhu yahay in dowladda Baydhabo ay geyso 500 oo askari oo xaqiijinaya in si amni ah ay u dhacdo doorashada.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, ayaa walaac ka muujiyay askarta dowladda Somaliya ay ku daad gureyneyso Baydhabo, waxeyna sheegeen in magaalada joogaan Ciidan badan oo ku filan amniga Doorashada.