Waddada Dekadda & farxad !!!.

Maanta waxaan soo maray waddada Dekeda Mogadishu, Bajaajkii aan saarnaa ayaa istaagay markii aan horteena ka aragnay saf dheer, waxaan u qaatay in loo xiray maddax dhoofeysa, sidii caadadu aheyd, laakin waxaan ogaday inay tahay Jaam caadi ah.

1-Waxa la godayay Qayba ka mid ah Bulaacadaha biyaha qaada oo xirnaa 30 Sanno ka badan, agagaarka waddada isku xirta Xamar weyne & Xamar jabjab illaa Dekedda, waa talaabo horuumar ah oo Dowlada Hoose ey Bilaawday. (F.S: 1, 2 & 3aad)

2-Waxaa saf dheer ku jiray tiro aan ku qiyaasay 80 Baabuur oo isjiid u badan oo sida Sisintii dalka oo Dibadda loo dhoofinayo, Maalmo dhaweyd waxaa badnaa Liinta la dhoofiyo laakin hadda sisintii ayaa xoog loo dhoofinayaa oo hadda ka hor uu kala go’ galay.

Sababta kala go’ ayaa aheyd markii Ganacsatada qaar ey dhoofiyeen,Juuniyaal sisin ah laakin ay ku dhax dareen Carro iyo qashin kale si ay miisaanka u badiyaan, taa oo keentay in badeecadii qaar dib loo soo celiyo.

Si taa loo xaliyo hadda waxaa dalka la keenay, Mashiin yar oo ka sifeeynaya caradda iyo qashinka, kadibna, ku furaya hawa kulul, si aan dib loogu abuurin haddii dibadda la geeyo (Macsao waa dhalee laakin lama abuuri karo).

In kasta oo miisaaniyada Dowladda aan lagu darin , miisaaniyad Horuumarineed, waxaan ka codsanaa hey’adaha ku shaqada leh wax dhoofintu inay dhiiri galiyaan waxa la dhoofinayo oo canshuurta laga dhimo, adeegana loo fududeeyo.

Waxaa nasiib daro ah in sisinta la dhoofiyo la soo warshadeeyo kadibna dib naloogu keeno Macsaradii iyo Maakaalkii oo Macmacaanka Daaxuun laga sameeyay. ( F.S: 4, 5 & 6aad)

Waan ku farxay subaxdaan in waddadu Labadaa sabab iiga xirantu, intii howshaa ka qayb qaadatayna waan ugu hambalyeeynayaa.

FG: 40 daqiiqo qoraalkaan kadib ayaan Isla jidkii soo maray,40 daqiiqo ayaan Bajaaj Ku dhax jiray, Markaan Jidku madax amaankooda loo baqayo ayuu u xirnaa.waa xaalka Xamar yaal.

Qore: Yahya Amir

Facebook Comments