Shabaab oo Sheegay in ay askar ku dileen Shabeelaha Hoose.

War ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerar ka dhacay duleedka Magaalada Marka ay ku dileen askar ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Dowlada.

Ciidamada Xoogga iyo Al-Shabaab ayaa Dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.