Maleeshiyada Al-Shabaab oo isaga Baxay Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug

Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug ayaa Wararka Naga soo gaaraya waxay sheegayaan in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isaga bexeen degmadaasi, kadib markii ay sii kordheen howlgalada lagu beegsanayo koxdaasi ee ka socda deegaanada Gobolkaasi.

Hadalada aan ka helayno Deegaankaasi ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay halkaasi isaga bexeen,waxaana cidlo ah Saldhiga Degmada Xarunta Degmada iyo Goobo kale oo AL-Shabaab Fariisimo u ahaa in ka badan 10-Sanno, Dadka ayaana waxay sheegayaan inay galeen Dhulka Howdka ah.

Faarujinta Maleeshiyaadka ee Degmada xarar-dheere ayaa loo sababeeyey 2-arrimood kuwaa soo kala ah iyagoo aad ay u baqdin galisay Duqaymihii isdaba jooga ahaa ee lala beegsaday Kooxda iyo Ciidamada Xoogga Dalka oo ku wajahan Aagaas taasina waxay sahashay in Maleeahiyaadka uu soo wajaho Qalqal xoogan.

Maleeshiyaadka ayaa Xalay khasaare lagu gaarsiiyey Duqayn lala beegsaday 48kii saacadood ee la soo daafay,kadib duqeymo lagula beegsaday qeybo kamid ah Deegaanno hoostaga Degmada Xaradheere.

Dhinaca kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhiyay howlgalada isugu jira weerarada tooska ah iyo duqeynta xagga cirka ah,taasi oo keentay in cabsi xoogan ay soo wajahdo koxda Alshabaab.