Madaxwaynaha Nigeria oo booqday Jiida Hore ee dagaalka.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa booqasho maalin qaadaneyso ku tagey magaalada Maiduguri ee waqooy bari dalkaasi, halkaas oo ah goobtii ay kasoo faracmeen ururka Booko Xaraam.

Madaxweynaha wuxuu la hadlay ciidammada dagaalka kula jiro kooxda Bookoo Xaraan ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

Booko Xaraam ayaa argagax ku haysaa shacabka ku nool waqooy bari dalkaasi.

Buhari wuxuu sidoo kale booqday ciidammada dhaawac ah ee lagu daweynayo saldhig militari oo ku yaalla magaalada Maiduguri.

Booqashada Buhari ayaa kusoo aadeesa xilli dhawaan kooxda Booko Xaraam ay weerar ku qaadeen saldhig militari oo ku yaalla magaalada Metele halkaas oo ay ku dhinteen 40 askari.