Gabdhaha Kenya oo shaqa la’aanta haysa darteed Al-Shabaab ugu Biiraya.

Muqdisho-Shaqa la’aanta ka jirta qaybo fara badan oo ka mid ah Kenya, ayaa sabab u noqotay in hablo badan oo keenyaati ah ay Al-Shabaab shaqo u doontaan tobankii sano ee ugu dambeeyay.

Shaqa la’aanta ugu badan ee ka jirta Kenya, ayaa waxa ay saamayn wayn ku leedahay dumarka kuwaas oo aysan u sahlaneen in sifudud ay shaqo u helaan.

Robert Robow Ochoala, oo ka hawl-gala xarun lagu dhaqan celiyo dadka horay Al-shabaab uga tirsanaan jiray ayaa aaminsan in sababta ay Al-shabaab ugu biirayaan dhalinyaro farabadan oo keenyaati ah ay tahay fursad la’aanta iyo rajo xumada ku haysata dalkooda.

Gabar magaceeda lagu sheegay Fatuma, oo ahayd gabadhii ugu horeesay oo Kenya u dhalatay oo ku biirta dagaalamayaasha Al-shabaab sanadii 2006’dii ayaa sheegtay in haddii ay haysan lahayd shaqo wanaagsan aysan ku biirteen Al-shabab,

Hablaha ku biira Al-shabaab ayaa waxa ay door fiican ka qaataan hawlaha uu qabto ururka ayagoona Al-shabaab u qaabilsan fidinta mabaadi’da uu ururku aaminsan yahay iyo xog uruurin ku aadan falal basaasnimo.

Haweenay kale oo magaceeda lagu soo koobay Haliima, horayna uga tirsanaan jirtay Al-shabaab ayaa sheektay in cunug ay dhashay oo isku qarxiyay xerada xalane weerar dhacay sanadii 2014’tii waqtigaas wixii ka dambeeyay’na ay laxumaatay kasii mid ahaanshada ururka.

Dhanka kale Kenya,ayaa dhawr jeer oo hore sheegtay in ay soo cilisay dhalin yaro farabadan oo horay ugu biiray Al-shabaab, lkn Kenya ayaanan wali darsin in ay xal u hesho sababaha keena in intabadan dhalinyarada dalkeeda ay Al-Shabaab ku biiraan.