R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi ka socda Midowga Afrika oo Maanta ku wajahan

R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi ka socda Golaha Amniga iyo Nabada ee Midowga Afrika ayaa maanta waxaa la filayaa inuu gaaro Magaalada Beledweyn ee Gobalka Hiiraan.

Wafdiga waxaa hogaaminaya Safiirka Dowlada Jabuuti u fadhiya Itoobiya Mohamed Idris, waxaa ayna ka koobnaayeen 27 xubnood.

Madaxdan ayaa Soomaaliya u yimid sidii ay u qiimeyn lahaayeen xaalada amniga iyo siyaasada dalka.

Wararka ayaa sheegaya in maanta lagu wado in wafdiga ay Beledweyn kula kulmaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Amaanka wadooyinka Magaalada Beledweyn ee Gobalka Hiiraan ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, si ay u sugaan amaanka madaxda maanta tagaya Magaaladaasi.