Dhalinyaro laga hor istaagay ka qeybgalka soo dhaweyntii Madaxweyne Farmaajo

Xilli xalay Magaalada Nairobi lagu qabtay Xaflad lagu soo dhaweynaayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaar ka mid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee lagu casuumay Xafladdaasi, waxaa loo diiday in ay galaan hoteelka lagu soo dhaweynaayay Madaxweyne Farmaajo.

Dhaliyaradda oo warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee Hoteelka uu ku jiray Madaxweyne Farmaajo, waxa ay sheegeen in Ciidanka Ammaanka iyo Mas’uuliyiinta Safaaradda ay u diideen in ay galaan gudaha xarunta.

Suxufiyiinta iyo dhalinyaradda loo diiday in ay galaan Xafladda ayaa u sheegay Tv-ga RTN in horay loo siiyay warqadda Casuumaada ee lagu galaayay Hoteelka ee ku sugan yahay Madaxweyne Farmaajo ee uu Jaaliyadda Soomaaliyeed uu kula hadlaayay.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayay ku eedeeyeen in goobtii uu ka hadlaayay madaxweyne Farmaajo in ay galiyeen dad kale oo horay loo sii balamiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay boqolaal ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya kulan kula qaatay Magaalada Nairobi.