Wafdi ka socda Guddiga nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Muqdisho:- Madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdi ka kooban 27-xubnood oo ka socda Guddiga nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika.

Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay inay arkaan horumarka dhinac amniga ee ka jira Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya C/Qaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in muhiimada wafdigan ka socda Midowga Afrika u yimaadeen Soomaaliya ay tahay inay qiimeeyaan xaaladda dalka sida horumarka, amniga iyo waliba Xaaladda ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya Maxamed Idiris Faarax oo wafdigan hogaaminaya ayaa warbaahinta u sheegay inaan la xaqiri Karin horumarka laga gaaray amniga ee xilligan ka jira Soomaaliya,wuxuuna dhanka kale sheegay iney kormeeri doonaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Dhanka kale Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir,aayaa ku tilmaamay xaaladda amni ee Soomaaliya mid soo hagaageysa,isla-markaana Dadka Soomaliyeed ku dhiiran yihiin inay horumar gaaraan.