Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Nin waday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Muqdisho: Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe waday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Muqdisho.

Gaariga walxaha Qarxa siday ayaa Ciidamada amniga ku joojiyeen bar-kontarol oo ku taalo xaafadda Kaawo-Godey degmada Wadajir, halkaasi oo markii dambe uu ku qarxay.

Dhanka kale Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Warbahinta SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga.