Wasiirka Beeraha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta Ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya,ku-xigeenkiisa iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa maanta kullan lagu dardar gelinayo howlaha shaqo ee Wasaaradda Beeraha la qaaday safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Xamuud Al- Xuwayti.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd xoojinta wada shaqeynta labada dhinac , qorshe dejinta shir lagu wado inuu ka dhaco Masar,kaasi oo looga hadli doono wax soo saarka beeraha, deyn cafinta Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, tababarsiinta beeraleyda Soomaaliyeed iyo sidii jaamacadda Carabta ay uga qeyb qaadan laheyd mashaariicda wax soo saar ee dalka Soomaaliya.

Safiirka jaamacadda carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Xamuud Samraan Al- Xuwayti oo kulanka kadib warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeraha kaga mahadnaqay sida sharafta leh oo ay usoo dhoweyeen, wuxuuna ballan qaaday in Jaamacadda Carabta ay gacan ka gaysan doonto sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka dalka Soomaaliya .

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in qodob muhiim oo wax ku ool ah Soomaaliya ay labada dhinac ka wada hadleen dhammaana la isku afgartay waxyaabihii laga hadlay.

Kulanka labada dhinac ayaa kusoo idlaaday is afgarad waxaana la isla gartay in la dhaqan geliyo dhammaan qodobadii laga hadlay , Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaana ugu dambeyn Safiirka u hadiyadeeyay qaar kamida dalagyada wax soo saar ee dalka ka baxa.