Ugaarsiga lagu hayo shaqaalaha shirkadda Hormuud ee Muqdisho oo digniin laga soo saaray

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay shaqaale ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom, kuwaasi oo tiradoodu gaareyso ilaa toban shaqaale.

Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo dalka ka maqan ayaa bartiisa Twitter-ka waxa uu ku caddeeyay in dilalka loo geysanayo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom uu ka dambeeyo ururka Daacish, taasina ay timid kaddib markii maamulka shirkaddaasi uu ka biyo diiday inay bixiyaan lacago baad ah.

Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay baadi goob ugu jiraan kooxaha ka dambeeya ugaarsiga lagu hayo shaqaalaha shirkadda Hormuud, iyadoo aanay jirin weli cid loo soo qabtay falalkaasi dilalka ah.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa tacsi u diray dhammaanba ehelada shaqaalihii lagu dilay Muqdisho, isagoona Alle uga baryay dadkii ku dhaawacmay weerarada kooxda Daacish ay ka wadaan magaalada Muqdisho, isagoona hay’adaha nabadgelyada iyo shacabka ku booriyay inay si wadajir ah isaga kaashadaan kahortagga dhaqdhaqaaqyada ururka Daacish.