Kooxda Arsenal oo guul muhiim ah kaga soo gaartay Bournemouth Vitality Stadium

Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah kaga soo gaartay Bournemouth garoonkeeda Vitality Stadium, kadib markii ay kaga soo adkaatay 2-1.
Kooxaha AFC Bournemouth iyo Arsenal ayaa kulankan is keenay si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 13-aad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay labada kooxood Bournemouth iyo Arsenal ku kala nasyeen barbaro 1-1.
Kooxda martida ahayd ee Arsenal ayaa goolka ku hormartay daqiiqadii 30-aad, kadib markii uu laacibka Bournemouth ee Jefferson Lerma goolkan iska dhaliyay ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Laakiin Bournemouth ayaa isla qeybta hore ciyaarta awooday inay hesho goolka barbaraha daqiiqadii 45-aad, kadib markii uu laacibka Joshua King dhex dhigay shabaqa kooxda Arsenal kubad uu caawinteeda lahaa David Brooks.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ayay markale kooxda Arsenal dib hogaanka ugu qabatay ciyaarta kadib markii uu Pierre-Emerick Aubameyang daqiiqadii 66-aad u dhaliyay goolka 2-aad waxaana caawinta goolkan lahaa Sead Kolasinac.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-1 ay ku adkaatay kooxda Arsenal oo sare u soo qaaday dhibcaheeda dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna haatan booska 5-aad ku fadhidaa 27 dhibcood.

Gool FM.

Facebook Comments