Duqaymo diyaaradeed oo lagu dilay in ka badan 15-Horjoogayaal Al-Shabaab ah Tuulada Hargeysa Yarey

Wararka ka imaaanaya Gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in 15-ka mid ah Al-Shabaab la dilay, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen kadib markii xalay duqeyn lala beegsaday Tuulada Hargeysa Yarey ee Gobalkaasi,halkaasi oo ay ku shirsanaayeen ku dhowaad 30 ka tirsan horjoogayaasha Al-Shabaab. sida ay baahisay Warbaahinta Qaranka.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-km qiyaastii u jirta tuulada Hargeysa Yarey, wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa sadex gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen Al-Shabaab.

Horjoogayaasha Al-Shabaab ee shirka joogay waxaa ka mid ah, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Horjooge Waliid iyo kuwo kale oo intaa ka badan.

Dhanka kale Duqeymaha ayaa maalmahan is daba joog ahaa, waxaana khasaare badan ka soo gaaraysay Horjoogayaasha Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ee Al-Shabaab kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada Miyiga ah ee Soomaaliya.