Dil Ka Dhacay Magalada Muqdisho & Faah Faahin Ka Soo Baxeysa

Rag hubeysan ayaa Salaadii Maqrib kadib ee Caawa waxa ay degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in askariga lagu dilay Agagaarka Masaajidka Dhagaweyne oo u dhow Isgoyska Maana Booliyo ee degmada Shibis.

Askariga la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo gaabiyay Deeqow,waxana Goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay dilka askariga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay,waxaana halkaasi ka soo qaadeen meydka askariga.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka askariga wallow aysan jirin ilaa iyo hadda cid loo qabtay.

Inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa mar walba ka dhaca dulalka loo geysanayo askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda,waxana xalay agagaarka Isgoyska Black sea ee degmada Hodan lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.