Ciidamo Millateri ah oo lagu daadiyay wadooyinka magaalada Jigjiga

Wararka ka imaanaya Magalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Ciidamo farabadan oo Millateri ah lagu arkay wadooyinka Magaaladaas.

Ciidamada ayaa qaarkood taagan wadooyinka halka qaarkood ay fadhiyaan hareeraha Wadooyinka Jigjiga, ha yeeshee aysan sameynneyn wax baaritaano ah sida ay sheegeen dad magaalada Jigjiga ku sugan.

Shalay ayaa waxaa Magalada Jigjiga ka dhacay rabshado, wallow Maanta ay xaaladu tahay mid degan, iyadoo maamulka madaxweyne Mustafa Xagjar uu isku dayayo inuu gacan bir ah ku qabto amniga iyo kala dambeynta degaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhinaca kale rabshadahaan ka soo cusboonaaday magaalada Jigjiga ayaa ku soo beegmaya xilli magaaladaasi dhowaan gaareen ciidamo ka tirsan jabhadda ONLF kuwaasi oo iyagu horay ugu sugnaa magaalada Casmara ee wadanka Ereterea.