Alxamdu Al-Shukru Lilaahi.

Mahad iyo shukri ALLAAH ayey u sugnaatay, waan helay Cinwaanka Ardayadii Xaliima Gabadhii Somalida ee waxbarshada Ka heshay dalka Turkiga.

Aniga ayaa markii hore Ku iri: beryahan mashquul ayaan ahay ee mar kale ila soo xiriir, Laakin 2 Cisho Ka hor ayaan firaaqo u helay.

Waxa ey tiri: waxaan is iri: Macalinka ha dhibin ee Isaga jawaab Ka sug.
Laakin Anigii ayaab waxaan dhumiyay Cinwaankeeda.

Xaliimo waxa ey heshay wax barasho Jaamacadda private-ka ah ee International Astrolabe University (IAU) Istanbul oo Ka tirsan Network-Jaamacadaha OZYEGINoo xiriir la leh in Ka badan 10 Jaamacadood oo ah kuwa ugu waaweyn Europe iyo Jamacada badan oo Asia & Turkiga Ku yaal, waa Jaamacad Ku caan ah Cilmi Baarista ey sameyso.

Waxaan Ku faraxsanahay in Cinwaanka Ardayada aan dib u helay, Supervisor-ka heerka 2aad ee Jaamacdda aan u Noqdo.

Waxaan Ballan qaadayaa in aan Ka cafiyo Fee-ga( kharajka la siiyo Professor-Ka Supervisor-ka heerka labaad).

U duceeya gabadhaa Somaliyeed Xaliima Cali in ALLA u fududeeyo wax barashadeeda.

Qore: Yahya Amir