Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in Shan musharrax oo u taagnaa doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi in ay u tanaasuleen Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Musharixiinta ka tanaasulay doorasahada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kala ah;
1- Maxamed Aadan fargeeti, wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya
2- Eng. Saalax Sheekh Cismaan, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya
3- Xasan Macallin, xildhibaan hore oo federaalka ah.
4- Yuusuf Baadiyow, xildhibaan hore oo federaalka ah
5- Musharrax Xuseen Kushuk
Dhammaantood waxay sheegeen in ay garab siin doonaan Mukhtaar Roobow sidii uu kursiga ugu guulaysan lahaa.