Somali Canadian ku biiray Saraakiisha Booliska Dalkaasi

Saraakiil Boolis da’yar ah oo Somali Canadian ku jirto ayaa maanta ka qalin jebiyay Akedemiyada Booliska Dalkaasi Canada ay ku leeyihiin Magaalada Etmenton ee xarunta u ah Gobolka Alberta ee dalkaasi Canada.

Saraakiishaan Booliska ah ee tababarka uu usoo idlaaday ayaa dhawaan ku biiri doono Booliska Guud ee dalkaasi Canada waxaana arrintaani xiiso gaar ah u yeeshay in soo gelootiga dalkaasi nolosha u raadsada ay xilal sar sare ka qabanayaan dalkaasi.


Sarkaal u hadlay Akedemiyada Booliska ku tababartaan ee New Etmenton ayaa sheegay in Saraakiisha dhalinyarada ah ee tababarka usoo dhamaaday in ay qaarkood asal ahaantooda kasoo jedaan Somalia, Zimbabwe iyo Poland waxa uuna sheegay in xogta saraakiishaasi ay doonayaan in aynan shaacin balse wadamadaasi ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Dalka Canada ayaa kamid ah dalalka reer galbeedka ah ee soo gelootida fursad u siiya in ay xilal ka qabtaan dalkaasi iyadoo R/wasaare Justin Trudeo uu la taliyaha arrimaha xuquuqda aadanaha u Magacaabay Gabar Somali Canadian ah iyadoo sidaas si lamid ahna wasiirka soo gelootida ee dalkaasina uu yahay Soomaali qaxootinimo ku galay dalkaasi, taasi oo Soomaalida ku nool dalkaasi kaga dhigan dhiiro gelin hor leh.

Waxaa hore u jiray Ciidamo Somali Canadian ah oo Booliska dalkaasi qeyb ka ah balse waa markii ugu horeysay oo ay Soomaalida dalkaasi ku nool ay saraakiil ka noqdaan Booliska dalkaasi.

Facebook Comments