Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ka qeyb galaya Shir ka dhacaya Magaalada Istanbul.

Muqdisho: Wararka ka imaanaya Dalka K/Afrika ayaa sheegaya in Ganacsato Soomaali ah oo gaaraya ilaa 20-ruux markii ugu horeysay ka qeybgalayaan shirka Ganacsiga Caalamiga, shirkadaha Turkiga ayaa ku soo bandhigaya wax soo saarkooda ganacsi ee ka socda magaalada Istanbul ee cariga Dalka Turkiga.

Shirkadaha dalka Turkiga ayaa shirkaan ku soo bandhigaya alaabaha kala duwan ee ganacsiga oo ay doonayaan inay u suuq geeyaan caalamka intiisa kale, waxaana uu soconayaa mudo afar maalin ah .

Ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Africa ku nool ayaa xilligaan loo arkaa qaar ka mid ah ganacsatada Caalamka ee dhaqaajin kara wax soo saarka Turkiga uu doonayo in uu caalamka gaarsiiyo, waxaana xariir wanaagsan oo ganacsi uu dhaxmarayaa ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Turkiga oo ka wada shaqeyn doona arrimaha ganacsiga, heshiisyo caalami ahna kala saxiixan doono shirkadaha Turkiga.

Dhanka kale Safaaradaha Soomaaliya iyo Turkiga ay ku leeyihiin dalka Koonfur Africa iyo hey’ada ganacsiga ee lagu magacaabo Muziad Trade ee dalka Turkiga laga leeyahay ayaa iska kaashaday fududeynta in shirkaan markii ugu horeysay ay ka qeybgalaan ganacsato Soomaali ah oo ku nool dalka Koonfur Africa.