Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada deegaano hoos taga Balad-Xaawo.

Wararkalaga helaayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya hawlagallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab ka wadaan deegaanno hoos taga dagmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Howlgalkan ayaa lagu doonayaa in lagu furo jidadka ay maleeshiyaadka Shabaabka ay ka xirtay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Wararku waxay sheegayaan in Dagaal khasaare loogu gaystay maleeshiyada Shabaabka uu shalay galab dhex maray ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab kaasi oo Shabaabka looga furtay saanad ciidan, lana dilay tira ka mid ah maleeshiyaadkooda sida ay Baahisay Warbaahinta Qaranka.

Dhanka kale Shacabka magaalada Baladxaawo ayaa ciidamada Dowladda ku taageeraya halwgalka jidadka lagu furayo si isku socodka gaadiidka gobolku u sahlanaado oo maciishaddu u raqiisto.