Booliiska Kenya oo Baahiyay Magacyada iyo Sawirada Ragii Haweenay Sanafale Talyaani ah.

Booliska dalka Kenya ayaa soo saaray magacyada shaqsiyaad la aaminsan yahay inay ka dambeeyeen afduubka haweeney samafale Talyaani ah oo laga soo qafaashay dalka Kenya.

Bogga twitterka booliska Kenya ayaa lagu daabacay magacyada iyo sawirada Sadex ruux oo Soomaali ah kuwaas oo dawlada Kenya sheegtay inay yihiin kooxda qafaalatay Silvia Costanza Romano, oo u dhalatay dalka Talyaaniga una shaqaynaysay hay’ad samafal.

Booliska Kenya waxay sidoo kale Sadexdaan ruux dul dhigeen lacag dhan hal milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 9,750 oo Dollar.

Magacyada ay booliska Kenya baadi goobayaan waxay kala yihiin Ibraahin Aadan Cumar, Yuusuf Kuno Aadan iyo Siciid Aadan Cabdi kuwaasoo lagu eedeeyay inay haweeneyda Talyaaniga ah kasoo qafaasheen goob ay ka shaqaynaysay oo ku taala magaaladda Kaliffi la yiraahdo.

Taliyaha booliska Kenya Joosef Boinnet ayaa sheegay inay xoog badan galinayaan sidii loo soo furan lahaa haweeneydaan gacanta ugu jirta kooxdii afduubatay.

Taliyuhu waxaa uu aad uga gaabsaday inuu si toos ah ugu eedeeyo Al-Shabab inay afduubta ka dambeeyaan.

 

calisuxeyfa@gmail.com