Dowladda iyo GIDG oo ku mashquulsan sidii ay u kasban lahaayeen musharaxa ugu cad cad doorashada K/Galbeed

Wararkii ugu dambeeyay ee caawa naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo gooni gooni ah oo dhex maraya musharaxiinta, siyaasiyiin, madax iyo xubno u ololeynaya musharaxiinta qaarkood.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bilaabay sidii ay u kasban lahaayeen musharax Xuseen Cismaan Xuseen kaddib markii xubnaha dowladda ee Baydhaba ku sugan niyad jab ka muujiyeen musharax C/Casiis Laftagareen.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Laftagareen ayaa sheegaya in sababaha dowladdu uga jeesatay ay ka mid yihiin isagoo aan heysan taageerada Xildhibaanada iyo shacabka ku dhaqan K/Galbeed, taasina ay keentay inay dadaal u galaan kasbashada musharax Xuseen Cismaan Xuseen oo isagu ah kan ugu shacbiyadda badan degaanada K/Galbeed.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno siyaasiyiin oo iyaguna si weyn u daneynayay inuu soo baxo musharax Muqtaar Roobow ayaa iminka rajo ka muujiyay inuu doorashada ku guuleysto, kaddib markii Dowladda Federaalka uu kaga yimid cadaadis isaga ka dhan ah.

Xuseen Cismaan Xuseen oo ah musharaxa ugu cadcad doorashoyinka K/Galbeed ayaa waxaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada Baydhaba ku sii qulqulaya dhinacyada u ololeynaya Dowladda iyo maamul goboleedyada oo haatan ku hardamaya musharaxaasi sidii ay u kasban lahaayeen kahor 5-ta bisha Disembar ee soo socota oo la qorsheeyay inay dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya.

Rajo xumada ay ka muujinayaan masuuliyiinta dowladda, golaha iskaashiga iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka waxay tusaale iyo daliil cad u tahay musharax Xuseen inuu yahay madaxweyne sugaya caleema saar.