Daawo Muuse Biixi oo ka hadalnay cabsida Puntland iyo dowlada dhexe

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku maraya degaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa ka hadlay socdaakiisa bariga Somaliland sheegayna inuusan u socon abaabul dagaal oo ka dhaca Puntland iyo Somaliland, waxaa ka wanaagsan anaan ka wada hadalno dhibaatada abaaraha iyo wadahadal aynu Ku dhameyso waxyaabaha na dhaxyaalo oo aan iska kaadhano  dhibaatada jirta si aan horumar u gaarno ayuu yiri Muuse Biixi mar uu la hadlaayey shacab farabadan oo halkaasi isku soo baxay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dhibaatada haysata Soomaalida ay tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya kuna eedeeyay in ay doonayso in ay Soomaaliya meelkaste oo ka mid ah ay dabka shido.

Muuse Biixi waxaa ku eedeyay Madaxweyne Farmaajo in uu yahay shaqsiga kaliya ah ee Soomaaliya maanta kala qeybiyay, islamarkaana siyaabooyin gooni gooni ah uu u weerarayo Magaalooyinka Soomaaliya.

“Dabka ka kacaaya Soomaaliya waa mid aan hore uga kicin, Kismaayo iyo Xamar way is-haystaan oo kismaayo waxay ku duulaysaa Xamar oo maamul goboleedkii ayuu ku duulayaa Farmaajo, wuxuu ku duulayaa tii baydhabo, oo qaylada ka yeeraysa aad maqlaysaan” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo dad Shacab ah kula hadlaayay gobolka Sanaag ayaa sidoo kale tilmaamay in ay diyaar u yihiin nabad buuxda oo dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliya,laakiin ay is difaaci doonaan haduu sii socdo duulaanka Madaxweye Farmaajo.

“Wuxuu yiri Berbera waa in aan weeraraa oo caalamku ila qabtaa, waa in aan Somaliland la dagaalamaa, ninkaa Soomaali magaalo-magaalo ula dagaalamaya ayaanu Annaguna leenahay illaahayow sharkiisa idinka ururi oo aynu u baahnay in aynu u caqli celino ” ayuu yiri Markale Madaxweynaha Somaliland.

Halkan ka Daawo

https://youtu.be/Otr7sdgowsQ