Shabaab oo Weeraray degmada Beledxaawo

Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa xalay gudaha u galay degmada, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay xarunta degmada iyo Saldhiga Ciidanka ee degmada Beledxaawo sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay dagaalka xalay ka dhacay degmada Beledxaawo, waxaana lagu guuleysatay in dib looga saaro Magaalada Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.