Xildhibaan C/ Rashiid Xidig oo ka digay sii socoshada khilaafka DFS & Dowlad Goboleedyada

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlad-goboleedkada Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Cabdirashiid Xiddig kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Shir Jaraa’id uu Wwarbaahinta u qbatay soo dhaweyn kadib aya Xildhibaanku waxa uu sheegay in ujeedka Safarkiisu uu yahay,sidii uu u booqan lahaa deegaanadii laga soo doortay ee uu Xildhibaanka u yahay.

Waxa uu soo hadal qaaday khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada,waxana uu rajo wanaagsan ka muujiyey xal u helidda khilaafkaas, wuxuuna carabka ku adkeeyey in ay ka Xildhibaano ahaan ay ka qaadan doonaan doorkooda.