Wariye Nuur Ismaaciil oo lagu xiray Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii xabsiga u taxaabay Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka tirsan Suxufiyiinta degan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska oo magaalada ka dhex qabtay Wariyaha ayaa ku xiray Xarunta Hay’adda Dembi Baarista CID, iyadoo aanay weli Saraakiishu ka hadlin ujeedada ka dambeysa xarigiisa.

Mahdi Cali oo ay ehel yihiin Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa inoo xaqiijiyay xarigiisa, waxa uu intaa ku daray inaanan loo sheegin baahida keentay in xoriyadda laga qaado.

Hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in lagu haysto qoraalo ka dhan ah Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, oo bartiisa Facebook uu kula wadaagay saaxiibadii. Qoraaladaan ayuu Wariyuhu ku muujinayay dhaliilaha Villa Somalia iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Nuur Ismaaciil ayaa ka mid ahaa xubnihii u ololeynayay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, intii uu dagaalka ugu jiray, sidii uu ku noqon lahaa Madaxweynaha Qaranka. Sidoo kale Wariyaha ayaa ka soo shaqeeyay xarumo warbaahineed oo ku yaala Magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka Somaliya ayaa sida muuqata dulqaad u lahayn in dhaliilaheeda la iftiimiyo, xilli ay dhaqaalo koox gaar ahi ku siiso, sidii ay waxqabadkeeda ugu faafin lahaayeen barraha ay bulshada ku wada xiriirto.

Somaliya waxaa lagu tilmaamaa dalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoo tobankii sano ee la soo dhaafay lagu dilay illaa afartan Suxufi