Qarax lala beegsaday goob uu ka dhacayay xuska mowliidka

Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday goob ay ku shirayeen culumaa’udiin dalka Afghistaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 43 qof.

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada,Kabul ee xarunta dalka Afqhanistaan.

Qarxani ayaa waxaa ugu yaraan ku dhaawacmay 83 qof.

Kulanka culumadan ayaa ka dhacayay goob aroosyada lagu qabto oo lagu magacaabo Uranus wedding hall.

Culumada qaraxa lala beegsaday ayaa ku guda jiray xuska dhalashada Nabi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis dushiis ha ahaatee.

Waa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee Kabul ka dhaca bilooyiinkii ugu dambeeyay.
Ma jirto ilaa iyo imika cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.