MACALLIM AJAAY: “Munaasabadaan qiimaha leh awgeed waxaan farriin u dirayaa waalidiinta Soomaaliyeed”

Maanta oo ku beegan 21-ka bisha Novembar 2018-ka waxay ku beegan tahay maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxaana magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood ka dhacay munaasabado lagu weyneynayo doorka macallinka uu kaga jiro bulshada Soomaalida.

Wasaaradda waxbarashada, guddiga macallimiinta iyo xubno u ololeeya waxbarashada dalka ayaa magaalada Muqdisho uga hadlay siyaabo kala duwan maalinta macallinka Soomaaliyeed, iyagoona sheegay in macallimka muhiimad gaar ah uu u leeyahay bahda waxbarashada dalka.

Macallim Cumar Sh. Maxamuud (Ajaay) oo munaasabadda munaasabadda maalinta ee 21-ka Novembar awgeed ka warbixiyay heerka waxbarashada dalka waxa uu macallimiinta Soomaaliyeed ku bogaadiyay howlahooda iyo waajibaadka ka saaran wax baridda ubadka, isagoona ku booriyay in macallimiinta ay kordhiyaan wacyi gelinta ubadka iyo heerkooda aqooneed.

“Munaasabadaan qiimaha leh awgeed waxaan farriin u dirayaa waalidiinta Soomaaliyeed, waxaana ka dalbanayaa inay gacan siiyaan macallimiinta” ayuu yiri macallim Ajaay oo hoosta ka xariiqay in bahda waxbarashada ay ka soo dhalaalaan waajibaadkooda kaga aadan wax baridda dhallaanka soo koraya.

Dhinaca kale macallim Ajaay ayaa hambalyo u diray guud ahaan macallimiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, wuxuuna ku baaqay in dowladda federaalka iyo hay’adaha kale ee qaabilsan horumarinta waxbarashada xil weyn iska saaraan taageerada iyo garab istaagga macallimka si uu u guto waajibaadka kaga aadan sare u qaadida aqoonta ardayda iyo guud ahaan hannaanka waxbarashada ee dalka.