HUFNAAN IYO HOGAAN: ISBADAL DHALIYAHA PUNTLAND 2019KA OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYEY HOOYADII PUNTLAND BOSAASO.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20.11.2018ka ayaa waxaa ku yimid safar dhulka ah musharax Prof.Cabdirisaaq Janagale waxaad ka dheehaneysaa isu soobaxa ay dadweynihii magaalada Bosaaso ay isagu soo baxeen soo dhaweyn aan iyadoo kale horay loo arag waayadan.

Jidka labadiisa dacal ayaa waxaa safnaa qeybihii kala duwanaa ee bulshada sida, Culumaudiinka, isimada dhaqanka, haweenka, dhalinyarada leh wiilal iyo gabdhaba waxay dadku ruxayeen caleemo qoyan calankii dalkeena iyo calankii dowlad goboleedka Puntland waxaana dadku ay ku dhawaaqayeen erayo soo dhaweyn ah waxaana halkaa laga fahmi karaayey sida kalsoonida iyo rabitaanka leh ee ka muuqday wajiyada dadka doonistooda isbadal doonka ah.

Waxaa waayadanba ee shacabka Puntladn ay aad usoo dhaweynayaan musharaxa Janagale oo ah nin kusifoobay in uu ka runsheego isbadal dhab ah oo geyiga Puntland ka dhaca shacabka ayaa fahamsan in ay heleen hogoomiyihii dhexdoodana cadaalad u sameyn lahaa hantidooda ka dhaxeysana u ilaalin lahaa.

Waxaana ka dareemeysaa sida weyn ee safaradiisa sida kii gaalkacyo iyo meel walba oo uu soo maray sida wadajirka ah loogu soo dhaweeyey qalbi furan oo ku dhisan rabitaan waxaadna halkan ka aragtaan sida kala harka lahayn ee Boosaaso ugu soo banaan baxday soo dhaweyntiisa.

Dowlad wanaagedu waxaa weeye marka shacabku ay doortaan ninka ay ku kalsoon yihiin, dadnimadiisa, aqoontiisa iyo goaan qaadashadiisa taasoo ku saleysan cadaalad iyo sinaan madax iyo shacab is ogol ayaa sameeya horumar dowladnimo waxaana ka muuqda maanta Puntland in ay cagta saartay wadadii midnimada iyo guushooda dad ahaan, dal ahaan iyo dawlad ahaanba.