Farmaajo oo kulan la yeelanaya Madaxweynaha Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale, mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub dhexdaadka u ah in la xoojiyo xiriirkeena soo jireenka ah si aynu horumar iyo barwaaqo u gaarsiinno labadeenna shacab.”

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waddaa in uu maanta kulan la yeesho Madaxweynaha Talyaaniga, waxaana lagu waddaa in uu dhankiisa uu kala hadlo taageeradda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale lagu waddaa in uu booqdo Goobo taariikhi ah oo ku yaalla Magaalada Roma.