Tiradii ugu badneyd xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo u gacan galay ciidamada NISA

Hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay howlgal qorsheysan oo ciidamadeedu ka fuliyeen magaalada Muqdisho isla markaana ay ku soo qabqabteen rag ka tirsan ururka Daacish.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaan uu ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho, inkasta oo aanay magacaabin halka uu ka dhacay howlgalkaan oo dhacay maalinimadii shalay taariikhduna ahayd 19-ka bisha November 2018-ka.

Waxaa kale oo hay’adda NISA sheegtay in howlgalka uu ku dhacay si taxadar leh oo aanay waxyeelo ka soo gaarin dadka rayidka ah sida lagu shaaciyay war ay NISA soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Howlgalkaan lagu soo qabtay 9 xubnood oo ka tirsan ururka Daacish ayaa yimid kaddib markii habeenkii ka horeeyay ciidamada NISA ay gacanta ku dhigeen xubin sare oo ka tirsan kooxda ISIS kaasi oo u qaabilsanaa dhinaca dhaqaalaha.

Dhinaca kale hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa kordhisay howlgallada qorsheysan oo ay ku baacsaneyso xubnaha ka tirsan ururrada Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaasi oo iyagu wajahaya xukunno kala duwan kaddib markii la hor geeyo maxkamadda ciidamada qalabka sida.