Mareykanka oo sheegay inay Duqaymo ku dileen 37 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

War ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika AFRICOM ee xaruntoodu tahay magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in laba weerar oo cirka ah ay ku dileen 37 dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerar cirka ah ee hore lagu dilay shalay 37 dagaallame, kaasoo ahaa ficil aan khaldamin oo ula kac ah sida ay warkooda ku sheegeen.

Weerarka labaad oo isna ahaa mid cirka ah ayey qoraalka ku sheegeen in lagu dilay 10 dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab.

Arrintan ayaa timid iyadoo shalay weerarro cirka ah laga soo sheegay inay ka dheceen deegaanno hoos taga degmada Xaradheere.

Ilaa hadda ma jiraan ilo madax banaan oo sheegaya khasaare ka duwan kan Maraykanku sheegay, deegaannada ay duqayntu ka dhacday ayaa la aaminsan yahay inay xoog ku leeyihiin Al-Shabaab.

Dhanka kale Maraykanku waxay sheegeen inaysan duqeymahaasi ku dilin dad rayid ah.