DAWLADA SOOMAALIYA OO WADO U JEEXDAY NABADA GEESKA AFRIKA LABA JIBAARTAYNA XIRIIRKA TURKIGA

Hadii aad doonayso in dal yeesho,xasilooni siyaasadeed, amaan iyo hormar, hadii maankaaga ay gasho sidee dalkaagu ku yeeshaa sumcad iyo in caalamku qadariyo adoon wareeri waxaad u baahantahay in aad u doorato hogaan fiican.shalay siduu dalkeenu ahaa dib u eeg, marka laga hadlayo xaga nabada, dhaqaalaha, xasiloonida siyaaso, karaamada iyo sumacada dalka, qiimaha qofka soomaaliga ah dal iyo dibadba waxaa dareemaysaa oo aad garwaaq sanaysaa in ay yihiin laba xaaladood oo aad ukala fog una kala duwan.  sidaa ku fahan casharna ku qaado faa iidada hogaan fiican oo aad yeelato ay leedahay taasoo aynu helay markaynu dooranay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Shalay dalkeena faragalin intay dhaaftay ayaa toos laynoogu talinaayay, iyadoon wax tix galin ah lasiin dadka iyo dalka soomaaliyeed. Maanta ragbaa inoo kacay keenay isbadal dhab ah, markii la arkay in wadani danaynaaya dalka iyo dadka iyo diinta umada soomaaliyeed hogaan kii hantay, waxaa bilaabatay sidaad u jeedaan, wada tashi, daris wanaag iyo is qadarin buuxda.
Waxaa intaa dheer in soomaaliya ay lasoo baxday ileen ragbaa u kacay ee,door wax ku ool ah oo ku aadan nabad kusoo dabaalida geeska afrika oo dhan. Waxay dawladeenu keentay arin ay gaartay kuna guulaysatay oo afrika aysan wali gaarin oo ah ladagaalanka MUSUQMAASUQA kanoo laharay afrika oo dhan.
Dawladeenu si ay shucuubta iyo dalalka afrika u hormariso dhanka dhaqaalaha iyo maarayntiisa waxaa soo dhaweeyay uugu horayn dalalka dariska ah ee geeska afrika iyo guud ahaan calamka horumaray oo waa sii horaysay iyagu kabaxay musuqmaasuqa.
Soomaaliya hada waa dalalka uugu musuqmaasuqa yar caalamka waxaana keenay dawladeena ah mid wadani ah oo dalkeena dhisaysa utabcaysa dadka iyo dalka ee aan ka tabcanaynin sidii haawaydii ama yuug yamaayuugii! ka horaysay shalay.
Geeska afrika waxaa laga rabaa,in shucuubta kunool loo sameeyo horumar dhaqaale iyo mid amaan si dadku uugu noolaadaan aduunka korkiisa nolol fiican iyo xasilooni sida ay gaareen wadamada hore umaray. Arimahan waxay ku imaan karaan is fahan iyo isgarabsi buuxa oo dhan walba ah. afrika dabinadii san cadaaluhu u dhigay xiligii qaarada laguumaysanaayay ayay wali isku sii haysataa taasoo waajib ah in rag u koco.
Dawladeenu maslaxo ayay kawadaa bariga iyo geeska afrikaba waxayna dan iyo sharaf u tahay dadka iyo dalka soomaaliyeed.maanta inagaa hormuud u ah danta afrika oo dhan gaar ahaan hada geeska afrika. dawladeenu waa mid hagaajisay door muuqdana ka qaadatay xiriirka caalamka aynu la leenahay inagoo madaxa kor utaagayna oo qableh.
waxaa jira dad yar oo kasoo haray,kuwii u nuglaa shisheeyaha,kuwii kalsoonidu ka maqnayd,kuwii raali ku ahaa in ay kabaqaad u noqdaan oo dalkeena ka dhigaan garoon ajinabi maamusho uun oo baylah ah,waxay tabayaan liidnimadii iyo adoonsigii iyagoo filan waa asiibay markay arkeen soomaali amarkeeda aduunku u heelanyahay oo ka danbeeyo! raganimadii soomaaliyeed banaankay taalaa maanta adeer nina uma joojinayno.
XIRIIRKA QODODA DHEER EE U DHAXEEYA TURKIGA IYO DAWLADEENA SOOMAALIYA
Dawlada Turkiga wasiirkeedii gaashaandhiga ayaa booqosho ku yimid caasimadeena Mogdisho.dawlada turkigu waa dawlad mar horeba diyaar u ahayd caawinta dalka soomaaliya. waxaadna arkaysaa sida dawlada soomaaliyeed iyo shacabkoo isku duuban ay wanaag iyo abaal ugu hayaan sida wanaagsan ee Turki u garab istaagay umada soomaaliyeed.
Waxaa hadaba dhawaan sii xoogaystay oo sii laba kacleeyay xiriirkii labada dawladood ee islaamka ah ee iskaashanaya dhan walba.waxaa dawlada soomaaliyeed diyaar utahay in dib loo dhiso ciidankii qaranka soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan si dalka oo dhan looga saaro dayaca iyo baylahda.
waxaa jira xaaraan ku naaxyo cadaw ah oo ka xun xiriirka walaaltinimo ee inoo dhaxeeye turkiga iyagoo hadafkoodu yahay in soomaaliya aan turkigu ku caawin hanaanka dawladnimo iyo kala danbayn. umada soomaaliyeed cadaw baa la doonaya dawlad la aan iyo fawdo waase ka diidnay oo gaashaanka u daruuray. waa in aan mahadinaa illaahay kadibna dawladeena inoo kacaday ee inaga saartay fawdo iyo qabiil iyo kala qoqob.waxaan wax ku nahay oo kaliya dawladnimo iyo soomaalinimo.
Wasiirka difaaca Turkiga iyo Madaxweyne Farmaajo.
Tan iyo mudadii yarayd ee uu Madaxweynaha ahaa Farmaajo waxaa dalkeena u qabsoomay waxaan looga sheekayn karayn maqaal yaroo kooban balse ubaahan qoraal buugaag ah.maanta waxaynu nahay dawlad dunidu tix galiso, dawlad dhisaysa dalkeeda.